Hashi Omar Hassan Wuxuu xabsi ugu jiray 17 sano dambi aanu gallin laakiin hadda waa Milyuneer -

Maxkamada Racfaanka magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa amartay in lasiiyo magdhaw lacageed muwaadinka Soomaaliyeed sxbkey Hashi Omar Hassan 17 sano ayuu Xaashi ku xirnaa Xabsi talyaani ku yaala,waxaana sanadkii 2000/June/26 lagu xukumay 26 sano oo Xabsi ah isagoo ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay dilka Wariyaashii Warbaahinta RAI, ee kala ahaa Ilaria Alpi iyo Miran Rovatib oo lagu dilay Muqdisho 20 March 1994. Xaashi ayaa heli doona Maalin walba oo kamid ahayd 17-kii sano ee uu xirnaa 500 € oo magdhow ah taa oo maalmaha uu xirnaa ka dhigaysa (6,363) iyadoo wadarta guud lacagta uu helayo ay noqon doonto Seddex Milyan Boqol sideetan iyo kow kun oo Yuurow. (3 Million 181,000 €). La giustizia ha vinto La repubblica ayaa warkan qortay