Lacag ma rabbo..!!!. Aqriso maqaal uu qoray qareen ku dhex jiray kiiska Xaashi Cumar Xassan oo Talyaaniga si qalad ah loogu xiray.

Lacag Ma Rabo.!!!. Lacag ma rabo ( fiiri sawirada 1& 2). Arrinta Xaashi Cumar Xassan oo aan ku dhax jiray muddo 20 sanno ah,waa dhacdo laga qori karo, Buugaag badan haddii la soo tixraaco cadeymaha aan hayo iyo wixii aan goob joog u ahaa, aan kuu soo koobo qaar ka mid ah arrima badan oo sir ahaa oo laga yaabo in aadan ogeyn. Qoraalku hadduu kugu dheeraado,ka faa’iid Aqoon kooban. 1-Xaashi waxa uu ka mid ahaa,dhowr qof oo Somali ah oo aan Talyaaniga isku raacnay,si ay u cadeystaan dhibaatadii ay u geysteen ciidamadii Talyaaniga ee ka howl galayay Somalia UNISOM, taa badalkeedii Talyaanigu waa xireen. 2-Av. Hassan Ducaale kahiye ayaan isku dhaarsanay in aanan isaga bixin arrinta Xashi, markii asaga laftiisa culeys la saaray.waa Qareenka kaliya ee somali ah aadna looga yaqaan Talyaaniga, dad badan oo Somali ahna maxkamado ku yaal Talyaaniga & wadama kale oo reer yurub ah ka difaacay, waana nin Go’aan leh oo geesinimo iyo isku kalsooniyo ka muuqato aqoonna u leh xirf...