Qaybta Koowaad Qormooyin ku saabsan Maxaa iska badalay Mogadishu 11-sano kadib waxaan qoray Said Abdi Osman

Qaybta koowaad qoormooyin ku saabsan Maxaa iska badalay Mogadishu 11-sano kadib waxaan qoray Said Abdi Osman .

Maxaa iska bedelay Muqdisho 11 sano oo aan ka maqnaa?

Saxiibadayda sharafta lahoow 10 maalmood waxaan joogaa Muqdisho oo aan 11 sano ka maqnaa. Tobankaas bari qaraabo salaanka waxaa ii dheeraa in aan Muqdishana u fiirsanayey.
Waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago siday Muqdisho tahay ama aan u arko in ay tahay.

Marka hore la soco isma garab dhigi doono Muqdidho iyo caasimadaha wadamadii aan kusoo noolaaday ama aan soo arkay  11-kii sano ee aan Xamar ka maqnaa, laakiin wey dhici kartaa in aan dhaho tusaale ahaan Muqdisho magaala hebla halkaas wey oga horaysaa ama Muqdishaa looga horeeyaa;  Amaba in aan dhaho adeega noocaas ah oo hadda Muqdisho laga helo baan xaga laga helin.
Taas ulama jeedo in aan Muqdusho u dhigmin amaba aysan ka horayn karin caasamadaha qaarkood ee waxaan ula jeedaa oo kali ah in qofka qoraalkan akhrinaya uu diirada saaro fahanka Muqdisho oo kali ah oo uusan magaalo kale in uu ka fakaro uusan ku mashquulin.
Waxaan kaloo ayana ula jeedaa in aan garano horay iyo gadaal kay Muqdisho u socotay.

Marka xigtana, akhristaha sharafta lahoow xasuusnoow mar kasta oo aan ka hadlayo Muqdisho siday hada tahay, waxaa kale oo aan maanka ku hayaa oo tixraac ii ah, siday  Muqdisho ahayd 2001 ilaa 2007 oo anniga oo qaan gaar ah aan ku noolaa.
Waxaan ka hadli doonaa;
Amniga
Dhaqaalaha
Dhismaha
Dhaqanka iyo
Waxbarashada

Amniga

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacah qaraxyo badan oo naf iyo maalba galaaftah. Waxaa kaloo  ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada dowlada laftooda, waxayna dhaliyaan qasaare inta badan si fudud looga baaqsan karay. Shirqoolo dilal ah wali magaalada waa ka dhacaan.
 Sidaa oo ay tahay si aad ah bay Muqdisho oga nabad galyo badantahay sidii aan ku ogaa.
Amniga Muqdisho waagii aan ku noolaa aad buu  xadka liidashada oga  hooseeye oo magaaladu waxay ahayd goob dagaal oo la iskaga noolyahay. Ciidamo badan oo hogaamiye kooxeedyo iyo wadaado ay kala xukumeen baa magaal ku amar taaglayn jiray. Ciidanka dowladu kuwa ducaysan oo la jecel yahay ma ahayn.
Mobile fiican iyo lacag kaash in aad la nabad gasho naadir bay ahayd. Meelaha qaarkood xataa dharka waa la iskaga furan jiray.
Dhawaaqa rasaasta iyo madaafiicda si joogta ah baa loo maqli jiray. Dagaalo qabiil baa magaalada kusoo noqnoqon jiray.

Hadda waxaas oo dhami si aad ah bay u yaraadeen qaarkoodna hada maba jiraan.
Ciidan muuqda oo awood ciidan leh si rasmi waxaa magaalada oga jooga ciidanka dowladda ,Amisom iyo ciidamo dowladu ogtahay ama saaxiib la ah. Inkasta oo ciidamadaasi isku dhacaan, hadana isku dhacyadaasi waa kuwa aad oga kooban kuwii waagaan joogay dhici jiray.
 Mobilo waaweyn iyo boorsooyin qurqurxoon oo tuugtu aad u damaacin karaan baa magaalada aad loogu wataa, inta badana waa lagu nabad galaa.
Qaadashada lacagta kaashka ah waa yartahay laakiin hadaad wadato xataa in lagaa dhaco uma badna sidii hore.
Magaalada badankeed xiliyo dambe oo habeenkii ah baa dadku caadi iskaga socdaan una ganacsadaan.

Caqabada ugu weny dhanka amniga, walina kasii daraysa oo Muqdisho ka taagin oo aan tab loo helin waa qaraxyada.

Dib kala soco qoraalka qaybtiisa  2aad oo aan dhaqaalaha ku eegi doono.

Comments

Popular posts from this blog

Lacag ma rabbo..!!!. Aqriso maqaal uu qoray qareen ku dhex jiray kiiska Xaashi Cumar Xassan oo Talyaaniga si qalad ah loogu xiray.